Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xizbullah oo weerar dhimasho iyo dhaawac leh ku qaaday Israel


Militariga Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xizbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda.

Refael Kauders ayaa Arbacadii "ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga", ayey ciidamadu ku sheegeen website-kooda.

Warbixin kooban oo uu siiyay warbaahinta, ayaa afhayeenka ciidamada Colonel Peter Lerner waxa uu ku sheegay in Kauders, oo 39 jir ahaa, lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Xizbullah ku qaadeen magaalada Hurfeish ee waqooyiga Israa’iil.

"Waxa ka dhashay natiijo xun, dabcan, oo ah askari la dilay," ayuu yiri Lerner.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay sagaal askari oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay.

Lerner waxa uu sheegay in "Xizbullah...sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si maalinle ah u kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Israa'iil" ayna "isku dayayaan in ay jebiyaan hababka difaaca ee Israel."

Dhimashadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa ugu yaraan 15 askari iyo 11 rayid ah oo lagu dilay waqooyiga Israel, sida laga soo xigtay militariga, tan iyo markii ay billowdeen iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Xizbullah, oo ah xulafada Xamas, kuwaas oo bilowday ka dib markii dagaalka Gaza uu qarxay 7-dii October.

Dhinaca Lubnaan, rabshadaha xudduudda waxaa ku dhintay ugu yaraan 455 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin ay ku jiraan 88 qof oo rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dagaalka Gaza ayaa billowda kadib markii Xamas ay weerar culus ku qaaday Israel 7-dii October, kaasi oo ay ku dhinteen 1,194 oo Israa’iiliyiin ah, oo u badan shacab, sida ku cad xogta AFP oo ku saleysan tiro-koobka rasmiga ah ee Israa’iil.

Xamas ayaa sidoo kale afduubtay 251 oqf, oo isugu jira Israa’iiliyiin iyo ajaaniib, kuwaas oo 120 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, oo ay ku jiraan 41 qof oo militariga ay sheegeen inay dhinteen.

Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay cirib-tireyso Xamas, waxayna Gaza ku qaaday dagaal dhulka iyo cirka ah, oo ay ku dhinteen 36,586 qof oo badankood shacab ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamas ay maamusho.

Sida ay sheegeen militariga Israa’iil, 645 askari ayaa la dilay tan iyo 7-dii October, oo ay ku jiraan 294 ku dhintay ololaha ka dhanka ah Xamas ee dhulka Falastiiniyiinta.

Madal

XS
SM
MD
LG