Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta ah la xiray—wax yar uun ka hor dhalashadiisa 80-aad—kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Ku dhawaad 4.4 milyan oo qof ayaa halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan abaarta awgeed, sida lagu sheegay warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay (QM) Arbacadii.
Afartan iyo lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad xamuul oo ay leeyihiin militariga Sudan ay ku burburtay xaafad ku taalla duleedka caasimadda Khartoum, sida uu sheegay maamulka gobolka Arbacada maanta.
Nin ku nool magaalada Shanghai ayaa lumiyay ku dhawaad 200,000-yuan (qiyaastii $28,000) kadib markii lagu khiyaameeyay xiriir jacayl oo been abuur ah, ayada oo la adeegsanayo gabar lagu sameeyay garaadka macmalka ah (AI), sida ay warisay warbaahinta dowladda Shiinaha Arbacadii.
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa xabsiga dhigay laba qof kaddib markii bam-gacmeedyo lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada koonfureed ee Marseille, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Talaadada maanta ah.
Saddex walxaha qarxa ah oo gacan ku sameys ah ayaa lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Marseille ee koonfurta Faransiiska, Isniinta maanta ah, balse ma jirin cid wax ku noqotay, sida uu sheegay sarkaal boolis ah.
Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.
Koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta gobolka aan xasillooneyn ee koonfur-galbeed Pakistan ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay toddoba qof oo rakaab ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Shir degdeg ah oo ay Jaamacadda Carabtu qorsheysay in ay kaga wadahadasho xaaladda Gaza, kaasoo markii hore la filayay inuu dhaco toddobaadka soo socda, ayaa dib loo dhigay ilaa 4-ta Maarso, sida ay Talaadadii shaacisay Masar.
Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump.
Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bilood xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.
Booliska Jarmalka ayaa sheegay in ninka Afgaaniga ah ee looga shakisan yahay inuu gaari ku jiiray dad ku sugnaa magaalada Munich laga yaabo inuu lahaa ujeeddooyin xagjirnimo Islaami ah.
Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si ay uga dhigto mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta sharci la’aanta ah ee doonyaha yaryar kusoo gala ay mustaqbalka helaan dhalashada ama muwaadannimada British-ka.
Suuriya waxay yeelan doontaa xukuumad cusub bisha soo socota, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani Arbacada, iyadoo maamul ku-meel-gaar ah uu talada hayey tan iyo markii Bashar al-Assad la afgembiyey.
Booliska Talyaaniga ayaa Talaadada maanta ah bilaabay howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Maafiyada Sicilain ee magaalada Palermo, iyagoo soo saaray amarro xarig ah oo lagu soo qabanayo 183 qof oo lala xiriirinayo kooxaha Cosa Nostra.
Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay Khamiista maanta "dhinacyo badan" ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza isla markaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale.
Kuwo kale