War Deg-Deg ah

Xisbiga Kulmiye oo ka jawaabay go'aanka xisbiyada mucaaradka

Mucaaradka Somaliland
Mucaaradka Somaliland

Xisbiyada mucaaradka ee Somalilad ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn sharcinnimada madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iy xukuumaddiisa iyadoo ay shalay ku ekayd shanti sano ee xilka loo doortay.

Hase yeeshee Aqalka Guurtida ee Somaliland ayaa bishii hore muddo kordhin laba sano ah u sameeyey madaxwyenaha.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sheegay in muddo kordhinta Golaha Guurtiga ay ahayd mid xalaal ah.

Dhinaca kale mas’uul ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay mowqifka ay qaateen xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.
Warbixinadan waxaa Hargeysa kasoo dirtay Sagal Mustafe Xasan Nuur.

Xisbiga Kulmiye oo ka jawaabay go'aanka xisbiyada mucaaradka

No media source currently available

XS
SM
MD
LG