Muqdisho —
Xildhibaanno kale oo dheeraad ah ayaa maanta maalintii labaad qaadaanayey shahaadooyinka ansixinta xubnaha cusub ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa maanta shahaadada la siiyey illaa 58 xildhibaan, halka shalay ay qaateen 54, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 112 labadii maalmood ee ugu horreeyey shahaado bixinta.
Guddoga doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada harsan inay si degdeg ah ula soo xiriiraan si aqoonsigooda loo siiyo.
Wararkii ugu dambeeyey waxaa warbixintan inooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.