Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada oo ku Heshiiyay Qaabka Codka Kalsoonida


Xildhibaanada oo ku Heshiiyay Qaabka Codka Kalsoonida
Xildhibaanada oo ku Heshiiyay Qaabka Codka Kalsoonida

Mudane ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa VOA u sheegay in xildhibaanadii rabay in codka si qarsoodi loo qaado ay tanaasul sameeyeen.

Murankii ka taagna qaabka loo qaadayo codka kalsoonida ra'iisal wasaaraha cusub ee magacaaban ayaa lagu soo warramayaa in xal laga gaaray.

Madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka lahaa xalinta muranka ka taagan qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu madaxweynuhu dhowaan soo magacaabay.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa isku khilaafay in codka kalsoonida laga dhigo qarsoodi amma gacan taag.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo ka mid ahaa sida uu sheegay mudanayaasha doonayay in codka kalsoonida laga dhigo qarsoodi.

XS
SM
MD
LG