Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Beereey oo kusoo baxay doorashadii HOP024 ee Jowhar 


Beerey
Beerey

Xilli Khamiistii shalay la dhaariyay badi xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa xalay xildhibaan loogu doortay Maxamed Axmed Axmed Beerrey oo ku guulaystay kursiga tirsigiisa yahay HOP024.

Tartanka doorashada kursigan oo ahaa mid adag, islamarkaana la isla soo gaaray ilaa xilliga dambe ayaa waxaa ku tartamay saddax mudane oo kala ahaa Cabdulqaadir Carabow oo shanti sano lasoo dhaafay ku fadhiyay, Maxamed Beerrey iyo Maxamed Xaaji Dool.

Xldhibaan Maxamed Beerrey ayaa heley 59 cod, waxaa kusoo xigay Maxamed Xaaji Dool oo helay 25 cod halka xildhibaankii horay ugu fadhiyay kursigan Cabdulqaadir Carabow uu helay 7 cod.

Beerrey oo sanadkii 2016-kii looga guulastay kursigan ayaa guushiisa ay ka dhigan tahay inuu kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad.

XS
SM
MD
LG