Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne


Xildhibaan Aamina
Xildhibaan Aamina

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegay in qarax culus uu caawa ka dhacay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd golaha shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gudaha xerada Lama Galaay oo ah goobta doorashada lagu qabto. Xildhibaan Aamina ayaa ku jirtay gudaha xarunta marka uu qaraxu dhacay.

Waxaa la aaminsan yahay in qarxa gudaha lagu sii diyaariyay. Qarax kale ayaa isna dhacay wax yar kaa kadib, oo ka dhacay meel fariisin u aheyd ciidamada dowladda.

Rasaas xoog leh ayaa dhaceysa oo magaalada oo dhan laga maqlayaa. Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaraaha rasmiga ah

XS
SM
MD
LG