Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo geeriyooday


Xildhibaan
Xildhibaan

Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho," ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sheekh Aadan Madoobe ma shaacin sababta keentay geerida marxuumka.

XS
SM
MD
LG