Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Xiriirka Masar iyo Israel


Xiisadda Xiriirka Masar iyo Israel
Xiisadda Xiriirka Masar iyo Israel

Xiriirka Masar iyo Israel ayaa waxaa la soo dersay xiisad cusub kaddib markii koox cadhaysan oo Masaari ah ay xoog ku galeen safaaradda Israel ee Masar.

Dadkan cadheysan oo burburiyay qeybo ka tirsan safaaradda ayaa waxay dibedda safaaradda ku soo daadiyeen dukumintiyadii safaaradda. Safiirka Israel iyo shaqaalaha safaaradda ayaa isla xalay laga saaray dalka Masar kaasoo loo dhoofiyay Israel.

Dowladda Masar ayaa maanta kulan deg-deg ah oo yeelatay waxay ku soo saartay talaabooyin deg-deg ah oo kala danbeytii lagu soo celinayo, waxaana dhinaca kalena la qab-qabtay dad badan oo lagu tuhmayo inay lug ku lahaayeen weerarkaasi.

Dadkan cadheysan ayaa sheegay in dowladda Masar aysan talaabo adag ka qaadin dilkii dhawaan askarta Israel ay si khaldan ku dileen 5 askari oo ka tirsan ciidamada Masar.

Raisal-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu sii wadayo hirgalinta ama fulinta heshiiska nabadeed ee ay la leeyihiin Masar. Mr. Netanyahu wuxuu xusay in xukuumaddiisu ay imika Masaarida kala shaqeynasyo sidii deg-deg dib loogu celin lahaa shaqaalaha safaaradda ee magaalada Qaahira.

XS
SM
MD
LG