Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhextaagan Kenya iyo Sudan


Xiisad ka Dhextaagan Kenya iyo Sudan
Xiisad ka Dhextaagan Kenya iyo Sudan

Xiisad ayaa ka dhextaagan dalalka Sudan iyo Kenya kaddib markii maxkamadda sare ee Kenya ay amartay in la soo xiro madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir marka uu ugu horreeysa ee uu cagaha soo dhigo Kenya.

Sudan ayaa tallaabadan uga jawaabtay inay dalkeeda ka soo erido safiirka Kenya ee Khartoum, waxayna dhanka kale u yeedhatay safiirkeeda u jooga magaalada Nairobi.

Moses Watungula, wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay amarka maxkamadda Kenya ee dalbanaya in la xiro madaxweynaha Sudan, isagoo sheegay inay taasi ay aflagaado toos ah ku mabda’ sheegaya in madaxda waddamadu ay leeyihiin xasaanad ah inaan danbil agu soo oogi karin.

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadda Kenya ay ka fikirayso inay amarka maxkamadda racfaan ka qaadato.

XS
SM
MD
LG