Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhex Jirta Xildhibaanada Somalia


Xildhibaano Eedeeyey Xukuumadda Somalia
Xildhibaano Eedeeyey Xukuumadda Somalia

Jahwareer iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay laba mooshin oo loo gudbiyey guddoonka baarlamanka Soomaaliya, ayaa ka dhex taagan xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.

Jahwareer iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay laba mooshin oo loo gudbiyey guddoonka baarlamanka Soomaaliya, ayaa ka dhex taagan xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.

Labada mooshin, ayaa mid la doonayaa in xilka looga qaado madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halka mid kalena lagu diidan yahay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, ayaa ku eedeeyey guddoomiye Jawaari inuu sharciga ku tumanayo, islamarkaana uu diidan yahay in mooshinka uu u gudbiyo maxkamadda sare.

Waxaa sidoo kale maalmahan magaalada Muqdisho ka socday olole iyo iskooxeysi siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaannada, oo kooxba ay dooneyso inay ku fashiliso kooxda kale mooshinkeeda.

Wararkii ugu dambeeyey ee arrimaha mooshinka, ayaa waxaa warbixin ka diyaariyey weriyaheena Seynab Abuukar.

Warbixin: Xiisadda Mooshinka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

XS
SM
MD
LG