Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka taagnaa xiisad ka dhalatay afar maxbuus oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen al-Shabaab oo xabsiga lagala baxay 23-kii bishan, laguna toogtay magaalada banaankeeda iyagoo aan la xukumin maxkamadna la soo taagin.
Saddex ka mid ah raggan la toogtay ayaa muddo toddoba bilood ah ku xiraa xabsiga Beledxaawo, islamarkaana mid kale oo la qabtay 23-kii bisha, ayaa isla maalintaas raggan kale lala toogtay.
Faadumo Khaliif Cabdi, waxa ay walaalo yihiin Faarax Khaliif Cabdi oo raggaasi ka mid ah, wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayey uga warantay cadaaladdo darro ay tirsanayaan.
Dhinaca kale, maamulka Jubalnad ayaa sheegay inay qaadeen talaabooyin ay wax uga qabanayaan falkaasi dhacay baaritaanna ay wadaan.
Wariyeheenna Ibrahim Xassan Dandurey ayaa arrintan ka wareystay, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.