Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xidig: Waan Difaacaynaa Jiritaanka Dawladda


Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha DFKMG C/Rashiid Xiddig ayaa dhaliilay qaabka dagaalka Shabaab, isaga oo tilmaamay arrimo sixid u baahan.

Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha DFKMG ayaa ku eedeeyay kooxda Shabaab in ay dagaalka u adeegsnayaan , dhalinyaro uu ku tilmaamay in ay ka soo duufsadeen gobolada ay maamulaan.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa waraysi uu siiyay VOAda ayaa sheegay in ay jiraan dhaliilo iyo xil-gudasho la'aan ka jirta dhinaca mas'uuliyiint a DFKMG , taasi oo sida uu sheegay sabab u ah dagaaladda wakhtiga badan qaatay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in uu jiro dadaal lagu doonayo in lagu saxo khaladaadka jira dhinaca dawladda.

Hase ahaate waxa uu ka gaabsaday in uu cid gaar ah eedda dusha u saaro, isaga oo xaqiijiyay in dhawaan arrimahan oo dhan Baarlamaanka la hor keeni doono, si loo ogaado halka ay wax ka qaldanyihiin.

Dhinaca kale waxa uu Wasiira dawlaha arrimaha guduhu ka codsaday dhalinyarada ku nool gobolada ay maamulaan Shabaab inaanay ku soo biirin dagaalada ka socda Muqdisho.

Waraysiga wasiirka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan .

XS
SM
MD
LG