Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xero ku taalla Baardheere oo qaraxyo lagu weeraray


Qaraxyo khasaare gaystay ayaa maanta barqadii lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada, oo loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lagu soo waramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada ay ku dhinteen 7 qof, islamarkaana ay 20 kale ku dhaawacmeen.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay weerari doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan kasoo diray Kismaayo.

Xero ku taalla Baardheere oo qaraxyo lagu weeraray
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG