Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xayiraadda lagu soo rogay Xalane ma saameyneysaa dhaarinta xildhibaanada cusub?


Xalane garoonka Muqdisho
Xalane garoonka Muqdisho

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii qoraal kasoo baxay ATMIS 8-dii bishan uu abuuray warar la isla dhex-marayey oo sheegay in xayiraaddaas oo billaabatay 10-kii April, islamarkaana soconeysa illaa 16-ka, ay dib u dhigi karto dhaarinta xildhibaanada cusub, oo la waqtiyeeyey 14-ka bishan April.

Si kastaba, ATMIS ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in sababaha loo soo rogay xayiraadda ay qeyb ka tahay in la adkeeyo amniga xarunta kahor dhaarinta xildhibaanada, islamarkaana aanu ujeedku aheyn in lagu carqaladeeyo munaasabadaas.

“Xayiraadda billaabatay 10-ka April oo ku eg 16-ka April 2022, sinna loogama jeedo in lagu carqaladeeyo, ama lagu hakiyo, ama lagu faro-geliyo xafladda dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamanka ama dhaq-dhaqaaq kasta oo doorasho ama shaqooyinka dowladda ee xerada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed cusub oo ATMIS kasoo baxay.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xayiraadaha noocan ah ee xerada lagu soo rogo ay soo jireen tan iyo markii howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu billowday 2007-dii.

ATMIS ayaa sidoo kale sheegtay in kala shaqeyneyso Ciidanka Soomaaliya xaqiijinta in dhameystirka hanaanka doorashada loogu guuleysto jawi nabadoon oo aan rabshado laheyn.

Tallaabada ATMIS ayaa imanaysa iyadoo dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weerar ay ku qaaday garoonka diyaarahada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ajanabi ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay ATMIS
War-saxaafadeedka kasoo baxay ATMIS

XS
SM
MD
LG