Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo soo saaray baaq ka dhan ah Al-Shabaab


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey, hawlgallada ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee toddodbaadyadan ka dhacay degaanno ka mid ah waddanka.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in si dadka looga badbaadiyo macluul loo baahayahay in Al-Shabaab laga xoreeyo degaanadooda, loona gaadho dadka baahan.

Madaxweynaha ayaa uga digay dadwyenaha inay ka fogaadaan degaannada Al-Shabaab ku sugan yihiin oo uu sheegay in la bartilmaameedsan doono.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab la duqayn doono, lana weerari doono, maleeshiyaadka iyo qof kasta oo ka tirsan Al-Shabaab-na uu bartilmaameed yahay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu madaxeynuhu ugu baaqay dadka inaan la tegin maxkamadaha Al-Shabaab, lagana fogaado Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayay magaalada Muqdisho kadib markii uu soo xirmay shirkii uu la lahaa madaxda maamul goboleedyada. Shirkaasi waxaa kasoo baxay war murtiyeed qodobadiisa ay ka mid yihiin; in beesha caalmaka iyo dadka Soomaaliyeedba loogu baaqay inay iskaashadaan si looga baaqsado macluul waddanka ka dhacda.

XS
SM
MD
LG