Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo la kulmay qeybtii labaad ee ciidamada lagu tababarayo Eritrea


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad safar ku maraya dalka Eritrea ayaa la kulmay qayb labaad oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa booqday ciiddamadan oo la sheegay in loo tababaray dhinaca badda iyo farsamada. Safarka waxaa ku weheliyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Sawirro laga qaaday ciidankaas ayaa muujinaya ciidamada Soomaaliya oo la socdo doonyo, iyo kuwo badda quusa.

Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay kumannaan ciidamadan ah oo lagu tababary dalkaasi.

Ciidamadan ayaa madaxa Soomaaliya ay sheegeen inay dhan yihiin 5,000 askari, kuwaasi oo qaadanayey tababar saddex sano ah.

XS
SM
MD
LG