Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo Jeneral Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu lahaa Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, taliye ku xigeenkii hore ee haya’adda Nbadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go'aankan ku sheegay wareegto madaxweyne, ayada oo intaas lagu daray in go’aankan la qaatay “si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.”

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sarreeye Cabdalla Cabdalla ayaa darajooyinka laga qaaday, lagana saaray ciidanka kadib khilaaf dhexmaray isaga iyo taliyihii hore ee Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale 15-kii August wuxuu xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan oo uu horey uga qaaday madaxweyne Farmaajo.

XS
SM
MD
LG