Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee madax-bannaanida Jabuuti u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaliya ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga"
"Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabka, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya." ayuu raaciyay madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxeyne Xasan Shiikh ayaa sheegay inuu u rajeynayo shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.