Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha safarka Xasan Sheekh ee Talyaaniga


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Rome ee caasimadda waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay uga billaabtay booqasho rasmi ah, isaga oo la kulmi doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Al-Shabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan." ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxda 'labada dalka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna."

XS
SM
MD
LG