Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday barakacayaasha Baydhaba


XASAN SHEEKH
XASAN SHEEKH

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen yaa booqday xero barakacayaal oo ku taal magaalada Baydhabo, si uu ugu kuur galo xaalada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Koofur Galbeed.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoysaska barakacayaasha ah ka wareystay xaaladdooda, wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay si degdeg ah isugu dubbarido gurmadka loo fidinayo deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha ee gurmad abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna shalay booqday xeryaha barakacayaasha Baydhabo ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen inay gaarayaan illaa 6.1 million oo qof oo u dhigmaysa wax ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya, halka 2.8 million oo qof oo ka mida dadkaas ay xaaladoodu aad u daran tahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ku dhowaad 700,000 oo qof inay guryahooda ka barakaceen oo u carareen magaalooyinka waaweyn.

Ergayga madaxweynaha ayaa intaas ku daray in abaaruhu ay saameeyeen 72 degmo oo ka mida 84-ka degmo ee dalku ka kooban yahay, halka 6 degmo oo ka mida 72-ka degmo, ay haatan buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan jiray goobaha ay macaluushu ka jirto.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay ku tagay magaalada Baydhabo safarkiisii ugu horreeyay ee gudaha dalka, waxaana socdaalkiisu uu qeyb ka yahay safarro uu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

XS
SM
MD
LG