Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Ruto ee Addis Ababa?


Xasan Sheekh iyo William Ruto
Xasan Sheekh iyo William Ruto

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto, iyaga oo ka wadahadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadaallada Soomaaliya ee ku biirista Dallada Bariga Africa ee EAC, sida ay sheegtay madaxtoyada Soomaaliya.

William Ruto ayaa Xasan Sheekh u sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isaga oo tilmaamay 'in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.'

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenya 'in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.'

Kulanka labada hoggaamiye ayaa imanaya laba toddobaad kadib shirkii Soomaaliya iyo dalalka safka hore ee dariska ah, kaas oo kowdii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, ujeedkiisuna ahaa sidii la isaga kaashan lahaa looguna midoobi lahaa dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

XS
SM
MD
LG