Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh iyo Museveni oo wadahadallo ku yeeshay Kampala


Xasan Sheekh iyo Museveni
Xasan Sheekh iyo Museveni

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Yoweri Museveni ayaa maanta wadahadal ku yeesheay magaalada Kampala, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Xasan Sheekh ayaa shalay booqasho ku tegay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, si uu uga qeybgalo sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Museveni uu carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ku tabaruca ciidamada qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

XS
SM
MD
LG