Jabuuti —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasi oo arrimo dhowr ah ay ka wada-hadleen.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah booqashooyin dhowr ah oo uu gobolka ku marayo madaxweynaha, isaga oo maalmihii la soo dhaafay sidoo kale tegay dalalka Uganda iyo Burundi.
Saddexdan waddan ayaa ciidamo ka socda ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ee waqtigu ka dhammaanayo dhammaadka bisha December ee sanadkan.
Ramadaan Muuse ayaa warbixintan ka soo diray Jabuuti.
Madal