Guddiga qaban qaabada doorashada ee uu dhowaan magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay qabanayaan araajida muharaxiinta isu soo taageysa jagada madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
Xareed Xasan Cali, Afhayeenka guddiga qaban qaabada doorashada ayaa VOA-da u sheegay in guddiyada baarlamaanku ay soo saareen shuruucda doorashada madaxda qaranka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in doorashadu ay dhici doonto wakhtigii uu baarlamaanku u qabtay.