Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamza: Xukuumadda waxaa ka go'an dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka


Xamza
Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii hannaanka doorashooyinka oo ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskaas ayaa waxaa qeyb ka ah; in dalka ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, islamarkaana la qaato hanaankka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyo qodobo kale.

Xamza oo ka hadlay kulankii golaha wasiirada ee maanta ayaa heshiiska ku tilmaamay “fursad qaali u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aamiyaan hoggaankooda.”

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxa uu faray wasaaradaha inay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna xukuumaddu ay billaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Hadafka xukuumadda Dan Qaran waa in aynaan noqon kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya,” ayuu yiri.

Heshiiska hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa kasoo horjeestay siyaasiyiinta mucaaradka, maamul goboleedka Puntland iyo bulshada rayidka.

Madal

XS
SM
MD
LG