Mareegta internetka Wikileaks oo horey usoo bandhigtay kumanaan dokumenti oo ku saabsan dagaalka uu Maraykanku ka wado Afghanistan, ayaa haddana soo bandhigtay dokumentiyo hor leh oo ka hadlaya waxyaabo yax-yax leh.
Dokumeniyadan ayaa tilmaamay in waddamo carbeed oo dhawr ahi ay Maraykanka ku boorinayeen inuu weero Iiraan si uu u horjoogsado barnaamijkeeda samaysashada hubka Nuclearka ah.
Dhinaca kale, dokumentiyadan cusub ayaa sifeynaya dabeecadaha madaxda caalamka qaarkood, tan oo waji-gabax ku noqonaysa dalka Maraykanka
Warbixinta oo faahfaahsan qeybta hoose ka dhageyso.