Muqdisho —
Waxaa toddobaadkan guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya lagu qabtay xuska sannad-guurada 63-aad oo ku aaddan markii ay gobollada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee Kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Barnaamika Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa halka ay Soomaaliya joogto 63 sano kadib, waxaana marti ku ah Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo guddoomiyaha hay'adda cilmi-baarista iyo horumarinta Bariga Africa.
Waxaa soo diyaariyay soonaa jeedinaya Nuur Xasan Nuur (BukhaariI.
Madal