Barnaamijka wicitaanka dhageystaha todobaadkan waxaa marti inoogu ah ku xigeenka qunsulka Somaliya u fadhiya magaalada Cadan ee dalka Yemen, Xuseen Xaaji Axmed waxaanu ka wareysan doonaa sharciyada cusub ee la sheegey in ay Dowladda Yemen ku soo rogtey Somalida Tahriibka ku soo galeysa dalkeeda.
Sidoo kale Xuseen, wuxuu ka hadlayaa xaaladda nolosha dadka qaxootiga ah ee ku sugan dalka Yemen, wuxuuna sidoo kale ka jawaabayaa su’aalo weydiinayaan dhagaytayaasha.