Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Siyaasadda Cusub ee Somaliland


Maxamed C/llahi Cumar
Maxamed C/llahi Cumar

Maxay noqon doontaa siyaasadda arrimaha dibadda cusub ee Somaliland, ee uu xisbiga Kulmiye meel-marin doono? Maxaa iska beddeli doona gooni isu-taaggii Somaliland?

Barnaamijka Wicitaanka Dhageysataha waxaa toddobaadkan marti noogu ah Maxamed C/llahi Cumar, oo haatan ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Kulmiye, oo isagu ah xisbiga ku guuleystay doorashada madaxweynanimada ee Somaliland.

Su'aalaha ay VOA-da iyo dhageystayaasheeduba weydiiyeen Maxamed waxaa kamid ah: maxay tahay siyaasadda cusub ee arrimaha dibadda ee Somaliland, ee uu Xisbiga Kulmiye meel-marin doono? Maxaa iska baddalaya, haddiiba, halgankii gooni isu-taagga iyo aqoonsi raadiskii?

Sidoo kale, masuulku wuxuu ka warrami doonaa aragtida iyo siyaasadda Xisbiga Kulmiye ee beegan kuamannaanka qof ee kusoo qaxay deegannada Somaliland, ee kasoo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Masuulka ayaa sheegay in dadkan loo aqoonsan doono inay yihiin dad ku barakacay gudaha dalkooda, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah sidaas loo aqoonsan doono.

Dhanka kale, Maxamed C/llahi Cumar, oo lagu wado inuu noqdo wasiirk arrimaha dibadda ee Somaliland, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey bogaadin iyo hambalyo uga timid maamul-goboleedyada kale ee Soomaaliya, oo iyago soo dhaweeyey doorashada xorta ah, isla markaana nabadda ah ee ka dhacday deegaanada Somaliland.

XS
SM
MD
LG