Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: in ka badan hal milyan ayaa qaatay tallaalka cusub ee xanuunka malaariyada


Ilme yar oo lagu mudayo tallaalka
Ilme yar oo lagu mudayo tallaalka

Hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO ayaa sheegtay in in kabadan hal milyan oo caruur ah oo ku kala nool dalalka Ghana, Kenya iyo Malawi inay qaateen tallaalkii ugu horreeyey ee xanuunka kaneecada ama Malaria oo la soo saaray. Tallaalkan ayaa qayb ka ah barnaamij tijaabo ah oo ay hoggaaminayso hay’adda WHO, kaas oo la doonayo in lagu cidhib tiro xanuunkan.

Barnaamijkan tijaabada ah oo ay markii ugu horraysay daahfurtay dawladda Malawi bishii April ee sannadkii 2019 ayaa muujiyey in tallaalkani uu yahay mid bedqaba oo natiijadiisu wacan tahay, waxaana la sheegay inuu hoos u dhigay dhimashadii sarraysay ee xanuunka Kaneecada ama Malaria.

Natiijadaas soo baxday waxay horseedday in hay’adda caafimaadka dunidu ay ku taliso in la ballaadhiyo isticmaalka tallaalkan iyada oo lagu darayo caruurta ku nool meelaha ay sida weyn uga jirto kaneecadu. WHO ayaa sheegtay haddii tallaalkan sida ay tahay loo qaato, inuu badbaadinayo 40,000 illaa 80,000 oo caruur ah oo ku nool qaaradda Afrika sannadkii.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ayaa sheegtay in in ka badan $155 million inay ka heleen Gavi oo ah isbahaysiga tallaalka dunida si loo taageero daawadan cusub, isla markaana loo gaadhsiiyo dalalka Kaneecadu ku badan tahay eek u yaahay qaaradda Afrika.

XS
SM
MD
LG