Weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino ayaa beeca xorta ah ugu biiray kooxda Al-Ahli kadib markii uu ka tagay Liverpool, sida ay sheegtay kooxda Saudi Arabia Talaadadii.
“Mar walba waxaan u ciyaarayay kooxo waaweyn, hadda waxaan joogaa Al-Ahli,” ayuu Firmino ku yiri muuqaal uu soo dhigay barta twitter-ka ee Al-Ahli.
31-sano jirkaan ayaa saxiixay qandaraas seddex sanno ah, waxaana uu welin doonaa goolhaye Edouard Mendy, kaasoo sidoo kale ka tagay Premier League seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay Chelsea.
Firmino ayaa Liverpool kusoo biiray 2015 waxana uu kooxda ka caawiyay inay ku guulaysato koobabka champions League, FA Cup-ka iyo premier League.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhammaadkii bishii May macsalaameeyay garoonka Anfield, isagoo dhaliyay goolkiisii 111-aad ee kooxda intii lagu jiray kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.
Madal