Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar lagu qaaday maqaayad ku taalla Xeebta Liido


Muqdisho

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo qarax kadib la maqlay rasaas xooggan.

Qaraxa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxa uuna ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida, halkaas oo ay afur ku lahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Maqaayada waxaa sidoo kale ku sugnaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, balse afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xaqiijiyey in taliyaha uu bad qabo.

“Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan,” ayuu yiri Macallimuu.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa werisay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawca, balse ma sheegin tiro.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Ambalaasyada ayaa sheegay dhimashada lix qof, iyo dhaawaca toddoba kale.

Dhaawaca waxaa ka mid ah taliyaha saldhiga degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG