Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar iyo qarax ka dhacay magaalada Boosaaso


Boosaaso

Koox hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay hoobiyayaal ku weeraraneen fariisin ciidan oo ku yaal meel u dhow kontoroolkii hore ee magaaladda Boosaaso.

Weerarkaas ayaan geysan wax khasaare ah sida ay VOA u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada ciidamada Puntland.

Dhacdo kalena, qaar ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo lala beegsaday ciidanka oo marayey halka lagu magacaabo Buundajiifta oo ah afaafka laga galo magaaladda Boosaaso.

Weriyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac ayaa arrimahan waxay ka waraysatay taliyaha qaybta gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Weerar iyo qarax ka dhacay magaalada Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG