Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar hoobiyeyaal ah oo ka dhacay Muqdisho


Hoobiye
Hoobiye

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laga maqlay qaraxyada dhowr hoobiye oo soo dhacay.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in hoobiyayaasha la maqlay oo gaaraya illaa lix ay ku dhaceen meel u dhow madaxtooyada iyo Wasaaradda Warfaafinta, sidoo kale waxaa la sheegayaa in xaafado kale ay ku dhaceen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan dad ku dhaawacmay hoobiyayaashaasi balse aan wali lahayn faafaahin ku saabsan waxyeellada uu sababay.

Weerarka ayaa kusoo beegmay laba maalmood kadib markii Al-Shabaab ay gudaha u galeen xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyagoo ka dhex dagaalamayay ku dhawaad 6 saac kahor inta aysan toogan ciidamada amniga.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee weerarada noocaan oo kale ah ee ka dhaca caasimadda ayaa inta abdan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG