Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar caawa lagu qaaday hoteel ku yaalla Muqdisho


Weerar qaraxyo ku billowday ayaa caawa lagu qaaday hoteelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay VOA ayaa sheegay laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday hoteelka Xayaat. Qaraxa koowaad ayaa lagu dhuftay Hoteelka, waxaana daqiiqado ka dib la qarxiyay gaarigii labaad.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lagama hayo xog sugan.

Ciidanka booliska ee Haramcad ayaa gudaha u galay Hoteelka hadda, waxaana weli caddayn waxa ka socda gudaha hoteelka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya inay galeen koox hubeysa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxayna intaas ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen hoteelka.

XS
SM
MD
LG