Jowhar —
Shacabka ku nool degaannada ku hareereysan wabiga Shabelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay fatahaaduhu saameeyeen, ayaa billaabay inay adeegsadaan doomo kadib markii ay fatahaaddu jartay wadooyinkii ay isticmaalayeen.
Dadkan ayaa sheegaya in qarashka lagu raaco doomaha uu aad u sarreeyo, inta badan dadweynuhuna aanay awood u lahayn in ay iska bixiyaan.
Warbixinta waxaa magaalada Baledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.