Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka iska casiley jagadaasi, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray.
Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa u gudbiyey Ra'iisul Wasaarah Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Wasiir Abshir Cumar Jaamac, oo maanta gaarey magaalada Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in sababta uu xilka isaga casiley ay tahay, si uu ugu biiro tartanka xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland oo dhacaya bisha dambe.
Wasiirka ayaa sheegay in mudaddii sanadka ahayd ee uu xilka hayey uu dalka gaarey guulo waa weyn oo ay ka mid tahay in la qaadey cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliiya muddada dheer.
Puntland ayaa waxaa weli ka taagan muran siyaasadeed oo la xiriira doroashada, ayada oo ay isku khilaafsan yihiin madaxweyne Deni, xildhibaanada baarlamanka iyo mucaaradka.
Madal