Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda cusub ee Somaliland 'oo dib u eegaysa' is-afgaradkii Itoobiya


Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ilaa hadda aanu arag qodobadii ku qornaa heshiiskii is-afgarad ee madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu la galay Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay inay eegayaan haddii uu jiro mad madaw ku jiray heshiiskaasi, isagoo tilmaamay in aanay xukuumaddan cusub ee madaxweyne Cirro, Ictiraafka ku bedelayn inay bixiso dhulka iyo khayraadka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha wakiilada ay ku weydiiyay su'aalo la xiriira qodobbadii hesiiska is af-garadka ugu waynaa.

Sahra Ciidle Nuur ayaa inoo haysa faah-faahinta hadalka wasiirka.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Somaliland oo ka hadlay is-afgaradka Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG