Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo geeriyootay


Khadiija Maxamed Diiriye
Khadiija Maxamed Diiriye

Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, sida uu baahiyey telefishinka ku hadla codka dawladda Soomaaliya.

Sida uu sheegay Telefishinka, Wasiirka oo ka mid ahayd Wafdiga Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku sugan dalka Jabuuti, oo uu ka socda shirka Heritage, ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneyd.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku jirtay dowladda federaalka ku dhowaad 20 sano, oo ay aheyd xildhibaan, ayada oo dhowr marna soo qabatay xilal wasiir oo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Weriyha VOA ee Jabuuti Sagal Siciid Faarax ayaa la hadashay qaar ka mid ah madaxda ku sugan Jabuuti ee shirka Heritage ka qeyb-galay, kuwaas oo ka tacsiyeeyey geerida Khadiija.

Tacsida wasiir Khadiija Maxamed Diiriye
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:16 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG