Washington —
Sida aad ku dhagaysateen Idaacadaheennii shalay, safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Lary Andre oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa rajo ka muujiyey in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hagaajiyo wadashaqaynta dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo in la dhammaystiro dastuurka, wax ka qabashada abaaraha, amniga iyo qodobo kale.
Qaybtii labaad ee waraysiga aan la yeelanay ayuu kaga hadlayaa go’aanka ay dawladda Maraykanku ciidamada ugu soo celinayso Soomaaliya iyo waxa ay qaban doontaan. Waxaa sidoo kale uu ka hadlayaa siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya.
Waa kan Haaruun Macruuf oo inoo haya waraysigaas.
Facebook Forum