Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Yaasiin Farey oo xog ka bixiyay weerarkii Al-shabaab ee deegaanka Budbud


Yaasin Farey
Yaasin Farey

Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay galab dagaal uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Budbud oo ka tirsan gobolka Galguduud, qiyaas ahaanna dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Galcad.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ciidanka dawladda ay iska difaaceen weerarka al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay saldhigga ciidamada dawladda ee Budbud ay “cagta mariyeen,” sida ay hadalka u dhigeen, askarna ay ka dileen ciidamada dawladda.

Haddaba dagaalkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud "Yaasiin Farey" oo horeyna usoo noqday agaasimaha nabadsugidda Soomaaliya, waxaana xilliga uu waraysigu dhacayey ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka Galmudug.

Dhageyso wareysiga YASIN FAREY.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:58 0:00

XS
SM
MD
LG