Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Xildhibaan ka tirsan baarlamanka cusub oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab 


Xildhibaan Cali Xaji Aadan

Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay ayaa muddo kooban kadib markii lagu doortay magaalada Baladweyne la faafiyay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay Alshabaab ka taliyaan.

Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Alshabaab, isaga oo adegsaday ereyga “WILAAYADA ISLAAMIGA AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay in uu xiriir dhow la leeyahay Alshabaab.

Wariyaheenna Jacfar Kuukaay ayaa Khadka Talefoonka ku wareystay Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, wuxuuna marka hore weydiiyay inuu sharraxaad ka bixiyo muuqaalka la faafiyay.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka cusub beeniyay in uu Al-shabaab xiriir la leeyahay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:37 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG