Beledweyne —
Xaalad bani’aadanimo ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto magaalada Beledweyne kadib markii uu wabigu ku fatahay magaalada.
Dadkii magaalada ka barakacay oo iyagu degey banaanka magaalada ayaa la sheegayaa in aysan heysan biyo nadiif ah, cuno ku filan iyo meelo ay kuleylka cadcceedda gabbaad uga dhigtaan.
Waxaa maalmahan magaalada joogey oo xaaladda u daraaseynaayey Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran Maxamuud Macallim Cabdulle.
Falastiin Axmed Iiman ayaa Khadka telfoonka kula xiriirtey gudoomiyaha, waxayna ugu horeyn weydiisey bal xaaladda magaalada sida ay hada tahay?