Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Waxyeellada caafimaad ee ay qaraxyadu ku reebeen suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka badbaaday


Somali journalists in Mogadishu, Somalia, Dec. 29, 2019.
Somali journalists in Mogadishu, Somalia, Dec. 29, 2019.

Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya waxay noqdeen kuwa ay ku waxyeelloobaan dad fara badan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan, iyaga oo sidoo kale sababa xannuunno maskaxda ah oo soo gaaray boqollaal qof oo goobjoog u ahaa qaxayo argagax leh, halka kuwa kalana ay ka badbaadeen, balse waxaa weli haya tiiraanyadii ay ka qaadeen.

Saxafiga Cabdikariim Maxamed Siyaad waxa uu ka badbaaday qarax Miino oo asiibay gaari ay shan qof ku saarnaayeen, oo laba kamid ah ay ku dhinteen, halka seddex qof uu kamid ahaana uu dhaawac soo gaaray, xilli ay ku safrayeen dhulka u dhexeeya Beledweyne iyo Matabaan oo ka tisan Gobolka Hiiraan.

Saxafigaan ayaa xilligaasi ka warramayay dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda, waxaa Muqdisho kula kulmay Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow waxa uuna wax ka weydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Wareysi waxyeellada suxufiyiinta Soomaaliyeed kasoo gaarta qaraxyada.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:42 0:00

XS
SM
MD
LG