Diyaaraddii ugu horraysay ee sidda qayb ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaray dalka Eritrea ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa VOA u sheegay laba ilo-wareed oo ku sugan garoonka diyaaradaha.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay qaybtii ugu horraysay kasoo qaadday dalka Eritrea, waana duulimaadkii ugu horreeyey ee duulimaadyo xiriir ah oo soo daabulaya ciidanka Soomaaliya ee tababarku ugu dhamamaday Eritrea.
Ciidanka Soomaaliya ee lagu tababaray Eritrea ayaa la sheegay inay tiro ahaan dhan yihiin 5 kun oo askari. Soo noqoshadooda ayaa imanaysa xilli ay dawladda Soomaaliya dagaal kula jirto ururka Al-Shabaab.
Soo noqoshadooda ayaa imanaysa xilli ay dawladda Soomaaliya dagaal kula jirto ururka Al-Shabaab. Haddaba soo noqoashada ciidanka ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay wasiirka gaashaanshigga Soomaalya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.