Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiir Huruuse oo ka warramay xaaladda Soomaalida ku sugan Suudaan

Wasiirka arrimaha dibadda, Huruuse.
Wasiirka arrimaha dibadda, Huruuse.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay muwaadiniin Soomaali ah oo horleh kasoo tallaabeen xuduudda Sudan la leedahay waddamada Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in in ugu yaraan 160 qof ay ka kala tallaabeen xuduudaha Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed saacadihii lasoo dhaafay.

Wasiirtka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay diplomaasiyiin u dirtay xuduudda ay wadaagaan Sudan iyo Itoobiya si loo fududeeyo soo gelitaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay wasiirka in badi dadka kasoo cararay colaadda magaalada Khartoum ay weli ku sugan yihiin magaalada Qadaarif ee Koonfurta Bari ee Sudan. Wasiirka ayaa sheegay inay diblomaasiyiin u dirayaan Qadaarif si ay dadkaasi gacan u siiyaan.

Colaadda Sudan ee u dhaxaysa jeneraalka xukuma dalkaasi ee Cabdulfataax al-Burhaan iyo jeneraalka xukuma ciidanka lagu magacaabo Dacmu Sariic ayaa socota in ka badan 10 maalmood, waxaana ku dhintay in ka badan 400 qof, halka ay ku dhaawacmeen kumannaan kale.

Haaruun Macruuf ayaa wasiirku uu uga warramay xaaladda Soomaalida ku sugan Sudan.

Dhageyso wareysiga wasiirka arrimaha dibadda.m4a
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:41 0:00

XS
SM
MD
LG