Jabuuti —
Urur goboleedka IGAD aya shalay u magacaabay ku-xigeenka xoghayaha guud ee ururkaas madaxwaynihii hore ee maamulka HirShabeelle ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare.
Dowladda Soomaaliya ayaa kursigan loogu qoondeeyey shirkii IGAD ee dhacay bishi June ee sanadkan. Waare ayaa waxaa inuu kursigan ugu fariisto Soomaaliya u xushay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Wariyaha VOA-da uga soo waranta Jabuuti Sagal Saciid Faarax ayaa mudane Waare wax ka weydiisay xilkan loo magacaabay iy dareenkiisa.
Madal