Muqdisho —
Dawladda Soomaaliya ayaa cusboonaysiisay heshiis kalluumaysi, oo horey loola galay Iskaashato Kalluumaysato, oo laga leeyahay Shiinaha laguna magacaabo Chinese Fishing Cooperation.
Heshiiskan oo markiisii hore la galay dabayaaqadii sannadkii 2018-ka, ayaa dhammaaday sannadkii hore, waxana uu oggolaanayaa in maraakiibta Kalluumaysiga ee Shiinaha ay oggolaansho ka qaataan dawladda federaalka si ay u kalluumaystaan xilli cayiman, una qabsadaan kalluun gaar ah.
Faahfaahinta heshiiskan oo la shaaciyey shalay ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Axmed Xasan Aadan.
Madal