Kismaayo —
Magaalada Kismaayo waxaa maalmahaan ka socday kulamo looga arrinsanayay sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa degmooyinka ay ka joogaan gobolka Jubada Hoose .
Kulamadaasi oo lasoo gabagabeeyay ayaa markii ay soo dhammaadeen wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad waxaa uu ka wareestay Gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni waxaana uu ugu horreyn weeydiiyay waxyaabihii kasoo baxay kulamadaasi.